3399 Views

Dilkii Marxuum Cabaas Siraaji, Muxuu ka Beli Donaa Amaanka Muqdisho?

____________________________________________________________________________

May 6, 2017

 

Dilkii Marxuum Cabaas Siraaji, Muxuu ka Beli Donaa Amaanka Muqdisho?

 

Horaa loo yiri “Nabad la’aan, waa nolol la’aan”

Sida lawada ogyahay, waxaa si qaldan loogu dilay Muqdisho, Allaha u Naxariistee Marxuum Cabaas oo ka mid ahaa wasiirada Cusub ee dowlada Madaxweyne Farmaajo, waxaana sabab u ah dilka wasiirka Amni  Xumada ka jirta Caasimada Muqdihso.

Hadaba waxaa mudan in la iswaydiiyo, Dilka wasiirka,  Muxuu ka bedeli  donaa Amaan xumada ka jirta Muqdisho?,  Falalka noocan ah ee ka dhaca muqdisho, ma noqon doonaan kuwo layskula xisaabtamo?, sideese loo joojin karaa, Hubka Sharci darada ah ee lagu wato Muqdisho?,

Sida  xaqiiqda ah, Hubka ugu badan ee sharcidarada ah waxaa lagu wataa Muqdisho, maalin kasta ama saacad kasta waxaa lagu dilaa qof shacab ah, mana jirto cid loo soo qabto faldambiyeedka lagu dhibaateeyo Shacabka. Taasina waxaa sabab u ah Shariciga iyo Cadaalada oo aan lahayn awoodii loogu tala galay iyo Aqoondaro iyo musuq maasuq ka jira Xarumaha cadaalada.

Waxaa intaas dheer, waxaa jira Gaadiid ay leeyihiin Ciidamada dowlada iyo kuwo Barayfit ah oo lagu dhibaateeyo Shacabka, Gaadiidkaas oo aan lahayn TAARGO ama Sumad lagu Aqoonsan karo, waayo mar kasta oo ay Dhib gaystaan way ka CARARAAN goobka ay shilka ku galaan ama Dhibka ku gaystaan, Shacabkuna ma awoodaan in ay daba galaan, ama soo qabtaan Gaariga dhibka gaystay, mana jirto wax Sumad ah oo ku qoran Gaariga, si ay u Qoraan  Shacabka loona siiyo Laamaha Amniga ee Dambi Baarista.

Inta badan waxaa Shacabka lagu Cabsiiyaa ama ay ku galaan SHILKA Qoryaha oo lagu Cabsiiyo ama Gawaarida oo Xoog loo wado, laguna soo dhaweeyo qofka Shacabka ah, taasina waxay dhalisaa SHIL deg deg ah, waayo dadka qaar si fiican uma yaqaanaan wadida Gaadiidka ama mararka qaar qofka ma heli karo  ISBEYS ama meel BANAAN uu ku leexdo, Dadkani Hubaysan ma siiyaan Fursad uu ku helo meel banaan Qofka Shacabka ah.

War iyo Dhamaan, Shacabka Somaaliyeed waxuu sugayaan in si deg deg ah wax looga qabto Amaan Xumada ka jirta Dalka, gaar ahaan Muqdihso, iyadoo la adeegsanayo Sharciga iyo Cadaalada, si loo helo Nabad iyo kala dambeyn waarta .

Shacabku waxay si gaar ah u Codsanyaan in wax laga qabto Cadaalad darada ka jirta dhinaca Garsoorka, waxaana xaqiiq ah in ay wax badan isbedeli karaan, hadii Garsoorka uu u shaqeeyo si Cadaalad ah ee aan lahayn Eex iyo Musuq maasuq.

Ugu dambayn, waxaan rajaynayaa Geerida Marxuum Cabaas in ay noqoto midii soo dedejisa Nabad iyo Cadaalad ay ku Nasato umada Somaaliyeed, wuxuuna noqon doonaa CABAAS Halyey lagu XASUUSTO bilowga Cadaalada iyo kala Dambeynta,  Marxuumkana Alllaha Siiyo Naxariis Janno, Eheladii uu ka tagayna Samir iyo Imaan Allaha ka siiyo. “Amiin”

 

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment