936 Views

Qasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Wisil kor u dhaafay dhimashada 30 qof

Qasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay  Wisil  kor u dhaafay dhimashada 30 qof
____________________________________________________________________________

Axad: June 27 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay Weerar saakay aroor hore ka dhacay magaalada Wisil ee gobolka Mudug, oo Alshabaab ku Weerareen xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin magaalada Wisil ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas uu ku bilaawaday  Qaraxyo kadibna uu isku badalay mid toos ah , waxaana  ciidmada Galmudug iska caabiyeen weerar ay soo qaadeen maleeshiyada Al-sbabaab oo magaalada soo galay.

Dad ku sugan magaalada Wisil oo ay la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ku dhawaad 30 qof oo labada dhinac ah ay ku bdhinteen dagaalkaas ayna ku dhaawacmeen ilaa 40 kale.

Sidoo kale Magaalada Wisil oo istiraatiiji u ah isku socodka Galmudug ayaa ka mid aheyd magaalooyinka ugu amniga badan Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post