309 Views

War-murtiyeed laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho

War-murtiyeed laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 31, 2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey gudaha magaalada Muqdisho.

Shirka oo u dhexeeyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban illaa 5 qodob oo ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Madaxda Golaha Wadatashiga ayaa marka hore tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, waxaana Caafimaad deg deg ah ay u rajeeyeen dadkii dhaawacmay.

Golaha ayaa boggaadiyay guulaha Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ka keeneen dagaaladii ay la galeen dagaalamayaasha Al-shabaab, iyagoona ugu baaqay Somaliland inay ilaashadaan nabada iyo xasilloonida.

Sidoo kalen Golaha ayaa isku raacay in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada inay soo dhameystiraan xubnaha ka dhiman Guddiyada dib u eegista Dastuurka.

Golaha ayaa isku raacay in dalka laga dhaqan geliyo nidaamka Xisbiyada Qaran, in dalka laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo hufan, kuna saleysan cod bixiyeyaal diiwaan gishan iyo Xisbiyo u tartama golayaasha heerarka kala duwan.

Sidoo kale waxaa Golaha Wadatashiga Qaran isku raaceen in la qabto labo doorasho, mid Heer Federaal iyo Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post