945 Views

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda oo konton booyadood oo biyo ah ay ugu deeqday dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda oo  konton booyadood oo biyo ah ay ugu deeqday dadka ay abaaruhu  saameeyeen
____________________________________________________________________________

Axad: November 21, 2021

  
Wararka ka imaanaya magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda ee gobalka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay ku sugneed halkaas   ay sheegtay in konton booyadood oo biyo ah ay ugu deeqday dadka ay abaaruhu  saameeyeen ee ku dhibaateeysan deegaanada gobalka Mudu.

Gudoomiye Saynab Maxamuud Warsame xaabsey ayaana  kulan ay la yeelatay wax garadka Mudug   ka sheegtay gurmadka iyadoona ka codsatay Odayaasha dhaqanka  iyo Mas’uuliyiintii kulanka ka qeyb gashay in biyo dhaaminta deg deg ah loo bilaabo iyadoona ka tacsiyeysay  geeridii xanuunka  badneyd ee ay  arxan laawayaasha ku  dileen Allaha u naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guulleed Afrika oo ay  xustay inuu ahaa  tiir ka baxay Qaranka.

Sidoo kale Xubnihii  dhaqanka ee kulanka ka qeyb galay ayaa iyaguna dhankooda ka duceeyay deeqda biyodhaaminta ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post