1158 Views

Sawirro:-Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Oo Fariin U Diray Beelo Ku Dagaalamaya Deegaano Ka Tirsan Maamulkaas

Sawirro:-Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Oo Fariin U Diray Beelo Ku Dagaalamaya Deegaano Ka Tirsan Maamulkaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 20, 2019 –Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeellle Cali Cabdulaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshababeelle,halkaasi oo maalmahaan uu ka maqnaa.

Cali Guudlaawe ayaa markii uu gaaray Jowhar waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle,Xildhibaano,maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe,Guddoomiyaha Degmada Jowhar iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeellle oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan Hirshabeelle.

Sidoo kale  Cali Cabdulaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa beelaha dagaalamaya ka codsay in si deg deg ah xabad joojin loo sameeyo,isla markaana laga wada hadlo arrimaha ka taagan xilligan.

Deegaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaal beeleeydo geystay Khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyadoona Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare baaq nabadeed horey uga soo saaray Colaadahaasi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment