720 Views

Axmed Macallin Fiqi “ Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug

Axmed Macallin Fiqi  “ Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug
____________________________________________________________________________


Khamiis: October 7, 2021

Axmed Macallin Fiqi oo ahaa wasiirka amniga Galmudug ayaa bartiisa Farcebook ku shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu hayay maamulkaasi.

Waxa uu sheegay in sababta uu xilka u baneeyay ay tahay in isaga iyo madaxweynaha Galmudug ay isla fahmi waayeen qaabka loo wajahayo khilaafka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

“Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe”, ayuu qoraalkiisa ku yiri Fiqi.

Axmed Macallin Fiqi ayaa madaxwyenaha Galmudug ku eedeeyay in khilaafka kala dhaxeeyo ahlu sunna uu u adeegsanayo ” ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta Galmudug ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn”.

Wuxuu Fiqi intaasi ku daray in isagu uu soo jeedeiyay in “wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu ay ka sahlan tahay, kana dhib yar tahay, kana guul badan tahay” dagaalka, ayna muhiimaddu tahay dagaalka ka dhanka ah al shabaab.

sidoo kale Madaxweynaha Galmudug kama uusan hadlin wali iscasilaadda iyo eedeynyta ka soo yeertay Wasiirkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post