306 Views

Dibadbaxyo laga cabsi qabo inay mar kale ka billaawdaan dalka Kenya

Dibadbaxyo laga cabsi qabo inay mar kale ka billaawdaan dalka Kenya
____________________________________________________________________________

Kahor inta anay bilaaban wadahadallada mucaaradka iyo dowladda Kenya ayaa dadka reer Kenya waxay walaac ka qabaan in markale mucaaradka dalkaasi hor kacaan bannaanbaxyo dadweyne oo rabshado wata.

Hoggaamiyaha mucaaradka ugu wayan Kenya Raila Odinga ayaa dhawaan u sheegay dad isaga taageersan inay markale bannaabaxyada u diyaar garoobaan, isaga oo  meel fagaara ah kula hadlayay.

Bannaanbaxayaasha mucaaradka ayaa ku andacoonaya inay kasoo horjeedaan sicir bararka kajira dalkaas iyo in la musuq maasuqay doorashadii uu kusoo baxay Wiliam Ruto.

Walaac xoogan ayay xilligaan muujinayaan shacabka Kenya, taas oo ku aadan in ay saameyn xoogan ku yeeshaan dibadbaxyada laga cabsi qabo inay markale dib uga billawdaan gudaha Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post