1488 Views

Farmaajo Oo Booqday Xerooyinka Ciidamada Ee Muqdisho

Farmaajo Oo Booqday Xerooyinka Ciidamada Ee Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  25, 2019 –Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kormeeray qaar kamid ah xerooyinka ciidamada ee ku yaalla Muqdisho.

Goobaha uu tegay hogaamiyaha Soomaaliya waxaa kamid ah xarunta wasaarada gaashaandhiga iyo xerada Jenaraal Gordan.

Madaxtooyadda illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin ujeedka kormeerka uu maanta sameeyay Farmaajo.

Hasayeeshee, wararka ayaa sheegaya in ay daarneed howlgalo ay dowladdu qorsheynayso in laga fuliyo gobolada dalka kuwaasi oo ka dhan ah Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment