1200 Views

Askari madow ah oo ka tirsan militariga Mareykanka oo dacwad ka gudbiyay laba askari oo boolis ah oo inta ay joojiyeen ka dibna hub ku taagay

Askari madow  ah oo ka tirsan militariga Mareykanka oo  dacwad ka gudbiyay laba askari oo boolis ah oo inta ay joojiyeen ka dibna hub ku taagay
____________________________________________________________________________

April 13-4-2021

Gaashaanle madow ah oo ka tirsan militariga Mareykanka ayaa dacwad ka gudbiyay laba askari oo boolis ah oo inta ay joojiyeen ka dibna hub ku taagay, basbaasna indhaha kaga shubay.

Gaashaanle, Caron Nazario, ayaa kamerada ku xiran dharka askarta booliska ka soo muuqday, isagoo dareeska militariga xiran, waxaana xilligaas lagu xiray saldhig boolis oo ku yaalla Virginia. Waxay arrintaas dhacday bishii Decemebr.

“Dhab ahaantii waxaan ka cabsanayaa in aan gaariga ka soo baxo,” ayuu u sheegay labada askari ee booliska ah. “Haa waa in aad cabsataa,” ayuu ugu jawaabayaa mid ka mid ah askartaas.

Booliska ayaa sheegay in ay ninkaas u joojiyeen inuu ku guuldarraystay inuu muujiyo taarikada gaarigiisa, balse taariko ku meel gaar ah oo ku xiran gaariga ayaa laga arkay muuqaalka.

Askerigaas ka tirsan militariga Mareykanka ee madowga ah, ayaa xilligaas gacmaha laga xiray, ka dibna waxaa la baaray gaarigiisa.

Wuxuu markaa booliska waydiinayay sababta ay xoogga ugu isticmaalayaan. Askariga booliska ayaana ugu jawaabaya: “Sababtoo ah amarka maadan qaadan.”

Markii lagu waayay wax dembi ah ayaa laga siidaayay saldhigii boolis ee lagu xiray.

Dacwada laga diiwaangeliyay Maxkamadda Mareykanka ee degmada Norfolk ee gobolka Virginia, wuxuu askariga milateriga ah uga ashtakoonayaa labada askari oo ka tirsan waaxda booliska ee Windsor.

Labada askeri ee la dacweeyay waxaa lagu kala magacaabaa, Joe Gutierrez iyo Daniel Crocker, kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen xuquuqdiisa dastuuriga ah, taas oo ay ka mid tahay in ay weerrar xadgudub ah u geysteen, baaritaan sharci-darra ah iyo xarig aan sharciga ahayn na ku sameeyeen.

Ma jirto wax jawaab ah oo durbadiiba ka soo baxday waaxda booliska ee Windsor.

Dacwadda waxa ay imanaysaa xilli ay aad u sarayso baaritaanka lagu sameynayo xadgudubyada la sheegay in booliska ay kula kacaan dadka laga tirada badan yahay iyo midabtakoorka.

Askarigii hore ee booliska, Derek Chauvin ayaa haatan loo maxkamadaynayaa dilkii ninkii madowga ahaa ee George Floyd.

Muuqaalka ay duubtay kaamerada ku xiran dharka askarta ayaa duubtay Chauvin oo ah caddaan, oo Floyd jilibka kaga haya qoorta. Waxay arrintaas horseedday in caalamka oo dhan ay ka dhacaan dibadbaxyo loogaga soo horjeedo midab kala sooca Mareykanka.

Maxaa dheeraad ah oo aan ka ognahay dhacdada?

 

Gaashaanle Nazario, oo ah Madow iyo Latino, ayaa 5-tii Diseembar xirnaa dharka militariga Mareykanka wuxuuna ku safrayay gaari ay ku dheggan tahay taariko ku meel gaar ah.

ka dib waxaa joojiyay askar oo u sheegay in gaariga uu dhigo waddana dhankeeda. Waxaa lagu joojiyay kaalin shidaal, gacmihiisana kor ayuu u hayay isagoo weliba dariishadda ka soo bixiyay, waydiinayana askarta booliska sababta ay u joojiyeen.

Qareen Jonathan Arthur, oo dacwaddaas ku matalaya Gaashaanle Nazario, ayaa sheegay in askariga militariga ah uu ogaa in ay muhiim aheyd in gacmihiisa uu sare u hayo.

“Ma uusan iska furi karin xariga gaariga, wax kale oo khalad u muuqanaya muusan samayn karin – oo wuxuu ka cabsanayay in ay dilaan,” Arthur ayaa u sheegay warbaahinta CBS.

Dacwadda uu gudbiyay Gaashaanle Nazario ayaa lagu sheegay in Gutierrez uu qiray sababta askariga militariga uu u sugay inuu gaariga kaga soo dego goob iftiin ah.

“Waan fahmayaa middaas, oo warbaahinta ayaa shaaciso wararka ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya ciidammada amaanka iyo kooxaha laga tirada badan yahay. Middaas waan ogahay,” askariga booliska ah ayaa sidaas yiri, sida ku cad dacwadda laga gudbiyay dhacdadaas.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post