786 Views

Mareykanka oo sheegay inay si dhaw ula socdaan halka uu maray gantaalka baxsadka ah ee Shiinaha.

Mareykanka oo  sheegay inay si dhaw ula socdaan halka uu maray gantaalka baxsadka ah ee Shiinaha.
____________________________________________________________________________

 .

May 8, 2021

Mareykanka wuxuu Khamistii sheegay inay si dhaw ula socdaan halka uu maray gantaalka balse haatan aysan qorshaha ugu jirin inay soo ridaan gantaalka baxsadka ah ee Shiinaha.

“Waxaan ku rajo wenahay in uu ku dhici doono dhul isla markaana uusan waxyeello u geysan doonin dadka” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin.

Wuxuu intaas ku daray “Waxaa lagu rajo weyn yahay in uu kusoo dhaco badda ama dhul lamid ah”

Raadaarada sida dhow ula socda gantaalka wayn ee Shiinaha waxay qiyaasayaan halka la filayo dhulka ee uu ku dhaci doono.

Gantaalkan wayn ee lagu magacaabo Long March-5b, oo ah sida gaari qaadi kara xamuulka, waxaa bishii la soo dhaafay loo diray saldhigga cusub ee Shiinaha uu ka sameystay hawada sare.

Balse, gantaalka oo ku soo wajahan dhulka, hadda waa la xakameyn waayay. Waa gantaalkii labaad ee ugu wayn ee la xakameyn waayay ee dhulka ku soo dhaca, 30 sano gudahood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post