810 Views

Mark Milley oo ka digay in Al-Qaacida ay halis ugu noqon karaan Mareykanka in ay soo Weerari karaan

Mark Milley oo  ka digay in Al-Qaacida  ay halis ugu noqon karaan Mareykanka in ay soo Weerari karaan
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 29, 2021

Mark Milley, oo ka mid ah janaraallada ugu sarreeya militariga Mareykanka, ayaa ka digay in ururka argagixisada ah ee Al-Qaacida ee ku sugan dalka Afghanistan ay halis ugu noqon karaan Mareykanka wax ka yar 12 bilood gudahood.

“Taliban ma aysan jarin xiriirkii ay la wadaagayeen kooxda mas’uulka ka ah weerarkii 9/11, iyaga laftooduna wali waa argagixiso,” ayuu yiri Janaraal Milley.

Isaga iyo wasiirka gaashaan dhigga, Lloyd Austin, ayaa su’aalo lagu weydiiyay aqalka Wakiillada ee Congress-ka, si ay sharraxaad uga bixiyaan go’aankii bishii lasoo dhaafay ciidanka Mareykanka looga soo saaray dalka Afghanistan.

Dowladdii ka jirtay Afghanistan ayaa burburtay islamarkii ay Taliban si xowli ah horumar uga sameeyeen dagaalka ay dib ugu qabsanayeen waddankaas.

Senator Jack Reed oo ah guddoomiyaha guddi ka tirsan aqalka ayaa sheegay in xildhibaannada ay doonayeen inay fahmaan in Mareykanka uu fahmi waayay waxyaabo bidhaaminayay” burburka dowladda.

Mareykanka ayaa seegay inuu hadda ku dhaqaaqi doono howlgallo ku saabsan la dagaallanka argagixisada.

Dhageysiga hadal jeedinta saraakiisha, oo ay qabteen guddiga adeegyada hubeysan ee Senate-ka, ayaa yimid dhowr isbuuc kaddib markii uu qaab muran badan ka dhashay tallaabadii uu Mareykanka uga soo baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul, xilli dalalka caalamka ay isku dayayeen in ay muwaadiniintooda geeyaan dalalkooda halka kumannaan dadka reer Afghanistan ahna ay ku baryootamayeen in la samata bixiyo.

Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu dilay 182 ruux intii uu socday howlgalka soo bixitaanka. 13 ka mid ah askarta Mareykanka iyo 169 qof oo u dhashay Afghanistan ayaa lagu dilay qaraxaas oo albaabka garoonka diyaaradaha ka dhacay 26-kii bishii August.

‘Inay cidlo kusoo dhacaan’

Kulanka ay mudaneyaasha su’aalaha ku weydiinayeen janaraalka iyo wasiirka ayaa ku billowday hadal jeedinta wasiirka gaashaandhigga Lloyd Austin, waxaana ku xigay Janaraal Milley.

Janaraal Milley ayaa sheegay in Mareyknaku uu sii wadi doono difaacidda muwaadiniintiisa uu ka difaacayo weerarrada argagixisada ee ka dhacaya Afghanistan, howlgalkaasina uusan noqon doonin mid adag.

“Taliban waxa ahaayeen, walina yihiin urur argagixiso ah ilaa haddana xiriirka uma aysan jarin al-Qaacida,” ayuu yiri.

“In al-Qaacida oo dib isu dhistay iyo ISIS [kooxda dowladda Islaamiga ah] ay damcaan inay soo weeraraan Mareykanka waa arrin suurtagalnimadeeda ay dhab tahay, in howlahooda ay ka fuliyaan meelaha aysan dowladda ka jirinna waxay soo ifbixi karaan 12-36 bilood oo soo socota.”

Janaraal Milley ayaa sheegay inuu qiimeyn sameeyay dabayaaqadii 2020-kii, taasoo uu ku ogaaday in haddii ciidamada Mareykanka si deg deg ah loo soo saaro ay ka dhalan karto burburka dowladda.

Balse isaga iyo Mr Austin labaduba waxay ka markhaati kaceen in degdegga ay dowladda ku burburtay uu sababay in militariga Mareykanka ay cidlo kusoo dhaceen iyagoo aan heli karin cid difaacda.

“Waxaan gacan ka geysannay inaan dowlad dhisno laakiin ma noo suurtagalin inaan qaran dhisno,” ayuu yiri Mr Austin.

“Markii ay burbureen ciidankii Afghanistan ee aan tababarnay – iyagoo aan hal xabad ridin – lama filaan ayay nagu noqotay.

“Tobannaan kun oo askarta reer Afghanistan ah iyo boolis ayaa dhintay. Balse ugu dambeyntii ma aannaan awoodin inaan maskaxdooda galinno rabitaanka gusha.”

Janaraal kale oo Mareykan ah, oo lagu magacaabo Kenneth McKenzie, ayaa sidoo kale kasoo hor muuqanaya golaha. Waxaa su’aalaha loo weydiin doonaa maadaama uu yahay taliyihii kor kala socday kasoo bixitaanka Afghanistan.

Saddexda ninba hadda waxay ka jawaabayaan su’aalaha ay weydiinayaan xildhibaannada Congress-ka.

Janaraal Milley ayaa wajahaya su’aalo adag, oo gaar ahaan uga imaanaya dhinaca xildhibaannada jamhuuriga, kuwaasoo ku baaqayay in xitaa shaqada laga eryo.

Isaga iyo Janaraal McKenzie waxaa laga yaabaa in wax laga weydiiyo duqeyntii diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Mareykanka ay ka fuliyeen Kabul 29-kii bishii August, taasoo lagu dilay 10 qof oo aan waxba galabsanin oo kasoo jeeday hal qoys.

Militariga Mareykanka waxay markii ugu horreysay Afghanistan galeen dabayaaqadii sanadkii 2001-dii, wax yar kaddib markii ay dhaceen weerarradoo 9/11.

Markii ay soo baxayeenna, lacagta uu Mareykanku ku isticmaalay dagaalka Afghanistan waxay gaareysay $985bn (£724bn). Wuxuu Afghanistan u dhisay tobannaan kun oo askari oo markii ay ugu badnaayeen 2011-kii gaarayay 110,000 oo askari.

Isbuucyadii u dhaxeeyay markii ay Kabul gacanta u gashay Taliban iyo waqtiga loo qabtay soo bixitaanka ciidamada Mareykanka oo ahaa 31-kii bishii August, Mareykanku waxa uu dalkaas kasoo saaray 4,000 oo askari. Waxaa sidoo kale lasoo qaaday qiyaastii 50,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah oo kasoo baxay Kabul.

Dad ay tiradoodu gaareyso 20 qof ayaa ku dhintay isbuurashadii ka dhacday garoonka diyaaradaha Kabul maalmihii ay Taliban xukunka qabsanayeen.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post