1134 Views

Sawirro:-Dowladaha Somalia Iyo Qatar Oo Ka Wada Hadlay Hormarinta Wax Soosaarka Beeraha

Sawirro:-Dowladaha Somalia Iyo Qatar Oo Ka Wada Hadlay Hormarinta Wax Soosaarka Beeraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 18, 2019 –Wasiirka Beeraha iyo waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u tagay Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa halkaasi waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Wasiirka dowladaha Hoose deeganka iyo beeraha ee dalka Qatar Cabdullahi bin Abdulaziz bin Turki.

 

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay Dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, badbaadada iyo horumarinta Cuntada, dar dargelinta heshiisyadii dhexmaray labada doowladood iyo sidii dalka Qatar loogu Dhoofin laha qaar kamida  dalagyada kasoo baxa dalkeena Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Wasiirka Beeraha iyo waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid iyo dhigiisa dalka Qatar ayaa kusoo dhamaaday is afgarad , iyadoo Wasiir Ciid iyo   wafdiga lasocdana  ay k qaybgali doona bandhiga Beeraha caalmiga ah ee todobaad oo lagu qaban doono magaalada  Doha ee Dalka Qatar kaas oo ay ka qeyb geli doonaan in kabadan 51 dal.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment