579 Views

Ciidamo ka tirsan Somaliland oo u goostay Jabhadda SSC

Ciidamo ka tirsan Somaliland oo u goostay Jabhadda SSC
____________________________________________________________________________

Boqolaal Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Somaliland ayaa Maanta ka goostay, kuwaas oo ku biira Ciidanka jabhada SSC ee Gobolada Sool, Snaag iyo Ceyn.
Ciidanka oo hub faraban wata iyo Gaadiid dagaal ayaa waxaa Magaalada Buuhoodle kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada Jabhadda SSC.

Saraakiil ka tirsan Jabhadda SSC oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in duruufo kala duwan oo jira ay uga soo baxeen kamid ahaanshaha Ciidamada Somaliland.
Jabhada SSC ayaa goobo kala duwan kaga sugan gobolka Cayn tan iyo markii la aas aasayna waxay isku fidinaysay deegaanka, iyaga oo siweyn uga soo horjeeda Maamulka Somaliland.
Ciidanka Maanta ku biiray Jabhadda SSC ee ka soo goostay Somaliland ayaa waxaa ay muddo ka howlgalayeen degaano ka tirsanaagga gobolka Sool.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post