3447 Views

Ganacsato Lagu Xiray Dagamada Baardheere Ee Gobalka Gado

Ganacsato Lagu Xiray Dagamada Baardheere Ee Gobalka Gado
____________________________________________________________________________

Baardheere  | QOL | June 02, 2017——–Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray Ganacsade caan ah, kaasi oo Shabaab kula soo kulmay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Degmada Baardheere Xuseen Cabdi Xalane oo la hadlalay QARANIMO.COM ayaa sheegay Ganacsadaha ay xireen Ciidanka in amar la’aan uu Shabaab la soo kulmay, isaga oo aan fasax ka heysan maamulka degmada.

Waxa uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Shabaab ujeedka ay ugu waceen Ganacsadahan in ay tahay in ay su’aalo weydiinayeen iyo in ay dhaqaale ka qaadaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiye Xuseen Ganacsadahan markii hore in ay aheyd in uu ogeysiiyo maamulka Degmada, in ay u waceen ururka Al-shabaab, si looga dhiciyo raggaasi.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Degmada Baardheere ayaa qadka telefoonka waxa uu ugu waramay Wariyaheena Maxamed Abuukar Dabaashe.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Baardheere 

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment