1719 Views

WALLEE MW FARMAAJO WAA LAGU SIRMAY!!!

WALLEE MW FARMAAJO WAA LAGU SIRMAY!!!
____________________________________________________________________________

WALLEE MW FARMAAJO WAA LAGU SIRMAY!!!

Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Mas’uulkii MW Farmaajo ibaray

Akhristoow, waxaa jiray nin wariye weeynoo caan ahoo, ragii 80-yadii dalka caan ka ahaa, oo Farmaajana aad saaxiibo dhow u ahaayeen, anigana aan qaraabo nahay, aadna u taageeri jiray Farmaajo.

Waa ninka si shaqsi ah isu keen baray MW Farmaajo, maadaaama Farmaajo iyo saxafigaaba wada aqristeen, qoraallo badanoo aan Farmaajo ku taageeri jiray, intuu raysalwasaaraha ahaa, markii laga qaaday, iyo markuu musharraxa ahaa intaba. Saxafigaa oo ay Farmaajo aad saaxiibo isugu dhow ahaayeen, wuxuu ahaa ninkii taleefannada inoo kala qaaday, sababna u ahaa, inaan mudo laba jeer ah, taleefan ku wada sheekeeysano, ugu dambeynna sabab u ahaa, inaan ku kulanno xaflad dhaqaale loogu uruurinayey musharrax Farmaajo, oo ka dhacday gobolkan aan Mareeykanka ka daganahay, oo waliba aan miiska VIP-da wada fariisanno habeenkii xafladaa.

Waa aduun iyo xaalkeede, MW Farmaajo, maalintuu madaxweeyne noqday, ayuu saaxiibkii ololaha saxaafadeed dartii ugu daalay, xariga u jaray, maxaayeelay Farmaajo wuxuu ahaa jilaa aad qatar u ah, oo cidkastuu wadada kusii mari karo, ama jaran jaro ka dhigan karaba, hore usii kaxeeysanayey, balse maalintuu gaaray, hammigiisii siyaasadeed, ee ahaa inuu mar uun ku fariisto, kursiga dalka ugu sareeya, ayuu saaxiibadiisii ugu dhawaaa albaabada ka wada xirtay.Mudo yar kabacdi, waxaan arkay, ninkii wariyaha ahaa, oo mucaarad ah, dhaliin joogto ahna ku hayya Farmaajo, oo ah ninkii sanadaha dheer uu taageerayey, ummadana ka gadayey.Cajiib!

MW Farmaajo wuxuu nasiibdarro! Qaab qabyaalaad, iyo qaraabo-kiil ah, isugu hareeyey rag intooda ugu badan, ama jufadiisa hoose ah (MRXN), ama beel weynta guud isla yihiin (D-Block), saaxiibadii lasoo dadaalay, oo dhanna albaabaduu kawada xirtay, illeen meeshii riyadiisa aheyd wuu gaaray, oo uma baahna’e. Farmaajo waa qofka nuucaa ah. Saaxiibadii aadka ugu dhawaa, balse uu kawada tallaabsaday, waxaa ugu caansan: Dr. Maryan Qaasim, Dr. Cabdi-Nuur, iyo in badanoo kale.

Soomaalidii ku kadsoontay MW Farmaajo

In badanoo ummadeena Soomaaliyeed ka mid ahba, waxeey ku sirmeen, jilidii uu mudada soo waday MW Farmajo, sida inuu yahay wadani, qabyaalada ka fog, sharaftii dalkan inuu soo celiyo oo kaliyana Madaxtinimada u rabo, aanu aheyn siyaasiyiinta xukunka madax-Maraye, waxkasta kursiga dartiis u sameeya, rabana inuu taariikh wanaagsan ka tago oo kaliya. Nasiibdarro! Wuxuu MW Farmaajo la soobaxay, waji aan aheyn kii uu jili jiray, oo ummad badan ugu khaldantay.

Ninkii jili jiray Itoobiya naceybka, wuxuu saaxiibkii aadka ugu dhow ka dhigtayba, raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmad, isagoo dhahaya, wixii waligeedba siyaasiyiinta Itoobiyaanka gadaal ku wata, ina dhihi jiray ee ahaa, “Itoobiyada maanta, ma aha Itoobiyadii hore!”. Wuxuu noqday madaxweeynihii, Itoobiya nolosha ugu dhiibay, muwaadin Soomaaliyeed, oo dalkan usoo dagaallamay, waliba usoo dhaawacmay, oo waliba ogolaashihiisa lagu dhiibay, sida gudoomiyaha Aqalka Sare: Mudane Cabdi Xaashi ku marag iyo marqaati-furay, waliba wuxuu ku sheegay, ineey argagixiso wada yihiin, mujaahidkaa Qalbi-Dhagax, iyo ururkii gobonimo-Doonka ahaa ee ONLF. Ummad aad u badan, ayaa halkaa ku niyad-Jabtay, kuna baraarugtay, inuu dhagray (Scammed), yahayna ruux khayaanaaloow ah (A con artist).

Waxaa xigay, ninkii jili jiray, inuusan aheyn dictator dhiiga dadka banneysta, ee uu yahay siyaasi dimoqraadiyada, iyo xoriyatul-Qowlka aaminsan, ayaa CC Shakuur Warsame, oo aad u dhaleeceeya dowladiisa, weerar khaariijin ah ku qaaday, nasiibdarana! Ku xasuuqay lix wiiloo ilaalo u aheyd, kana wada tirsanaayeen ciidamada qaranka. Waxeeyse calool-Xumo kasii darneyd, markuu diiday, in meeydadkooda lasiiyo waalidoontoodii, kadibna uu kabaha ku wada duugay! Ragii weerarkaa hogaaminayeyna, ku abaalmariyey dalacsiin heer Jeneraal ah, iyo safarro dibadeed ineey u raacaan, sida kii UN-ka. Halkaa ummad kalaa aad ugu baraarugtay, xaqiiqada wuxuu MW Farmaajo yahay, iyo ineey waxba kama jiraan wada ahaayeen, wuxuu mudada inoosoo jilayey.

Waxaa xigay in ninkii ku celcelin jiray inuu yahay sharci ilaaliyo/Dhoowre,, raba inuu sharaf ka tago, raysalwasaare isaga ka fiican keeni doono, kadibna wada dhameeysan doonaan, inuu waxkasta u sameeyo mudo kororsi sharci darro ah, waliba habeen mugdi ah shiriyo xildhibaano, iyo guddoonka baarlamaanka, si looga takhaluso raysalwasaarihii mudada lasoo shaqeeyey, maadaama uu ku adkeeystay, si public ahna u sheegay, in doorashada xilligeeda la qabto. Waxaa kasii darneyd, in qaab aan sharci aheyn, dhaawacdeyna magaca, iyo muuqaalka dowladnimo ee Soomaaliya la sheegay in looriday raysalwasaarihii. Kaagasii darane, madaxweeynihii sheegan jiray “Sharci-Ilaaliyaha”, ayaa mudo 30-Daqiiqo gudaheed ah ku aqbalay foowdadaa, waliba hadana si sharci darro ah, kusime-Raysalwasaare digreeto ku magacaabay, isagoo waxaa oo dhan, ee foowdo iyo sharci-Darro ah, uwada sameeynaya, si uu u helo mudo kororsi sharcj darro ah, illaa iyo maantana aany ka rajo dhigin.

Ninka waxaa oo dhan sameeynaya, waa Farmaajihii ummada u maleeysay rajada dalkan, iyo inuu ka duwan yahay, madaxdii inasoo martay, balse wuxuu noqday, nin lagu sirmay, lagu wada kadsoomay, laga wada shallaayayoo laga wada qoomameeyey. Waxaanse Allaah ka baryeeynaa, inuusan nagusoo celin, isagoo madaxweyne ah markale, inshaa Allaah.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Dhaqaaleyahan, qoraa, & falanqeeye siyaasadeed. Minnesota-USA.

abdulkadirphd@hotmail.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post