474 Views

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka oo arimaha gurmadka abaaraha kala hadashay hay’adda UNICEF

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka  oo arimaha gurmadka abaaraha kala hadashay hay’adda UNICEF
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 29, 2022

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa  xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Wafaa ElFadil Saeed.

Kulanka Wasiirka Shaqada iyo wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, dardargalinta dadaallada taageerrayo qoysaska abaaruhu saameeyeen iyo ka hortagga macaluusha ee carruurta kuwaas oo loogu baqdin qabo in ay wax yeeleyso Abaarta.

“Waddankeenna wuxuu wajahaya xaalad bani’aadanimo oo si isku mid ah u saameysay Dalka oo dhan, si xaaladdaa looga jawaabo, waxaan howlgalkeenna isugu geynay taageerrada Bulshada gaar ahaan kuwa nugul” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Wafaa ElFadil ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Wasiirka, kaalinta uu ku leeyahay xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyada oo inta ku dartay in ay ka go’antahay UNICEF horumarinta barnaamijka ay kala shaqeynayaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo taageerrada Bulshada

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post