828 Views

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo booqday dhulka ay Israel heysat ee Daanta Galbeed.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo booqday dhulka ay Israel heysat ee Daanta Galbeed.
____________________________________________________________________________


Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa Khamiista maanta ah noqday diblamaasigi ugu horreeyay ee Mareykan ah oo booqda dhulka ay Israel heysat ee Daanta Galbeed.

Pompeo ayaa tagay xaafado ay Israel ka sameysay deegaameyn oo ay hadda ku noolyihiin qoysas Israa’iiliyiin ah. Sidoo kale waxa uu booqan doonaa Buuraleyda Golan Heights, oo ah dhul istaraatiiji ah oo ay Israel ka qabsatay Suuriya, sannadki 1967-kii.

Madaxweyne Trump ayaa Golan Heights sannadki hore u aqoonsaday dhul ay Israel leedahay, taasoo ay cambaareeyeen bulshada caalamka.

Heysashada Israel ee Daanta Galbeed, ayay Falastiiniyiinta iyo bulshada caalamka u arkaan xadgudub lagu xadgudbay Qaanuunka Caalamiga ah, sidoo kale waxaa loo arkaa caqabada ugu weyn ee ku hor-gudban nabad ka laga dhex-dhaliyo Israil iyo Falastiin.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post