537 Views

Dowladda Soomaaliya oo gargaar u dirtay degmada Guriceel

Dowladda Soomaaliya oo gargaar u dirtay degmada Guriceel
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 27, 2021

 Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa gargaar deg deg u dirtay magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmuudg ay ka wadeen howgallo ku saabsan dib u soo celinta magaaladda.

Wasiirka Gargaraka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in gargaarkan oo ka kooban teendhooyin iyo maryaha kaneecada laga hoos galo uu gaari doono maanta iyo bari si loo gaarsiiyo dadkii dhibaatada kasoo gaartay howlgalladii ka socday maalmahi lasoo dhaafay magaalada.

Guriceel ayaa maanta degan, waxaana saaka ka baxay xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca oo haatan fariisin ka dhigtay deegaanka God-Wiil oo dhaca duleedka magaaladaasi.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post