1488 Views

Jen. Koronto: “duqeynta Galmudug ka socota ayaan ka billaabeynaa Hirshabeelle”

Jen. Koronto: “duqeynta Galmudug ka socota ayaan ka billaabeynaa Hirshabeelle”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 25, 2018 –Taliyaha Qeybta 27aad ee Miltariga Soomaaliya Jeneraal Maxamuud Maxamed Koronto ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay duqeyn ka billaabi doonaan degaannada Hirshabeelle .

Jeneraal Koronto ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab uu hadda ka socdo Gobolka Hiiraan gaar ahaan Maxaas iyo meelo kale.

Waxaa uu sheegay in iyaga oo taageero dhinaca cirka ah ka helaya Mareykanka ay duqeyn iyo dagaal ku billaabi doonaan AL-shabaab.

Taliye Koronta ayaa intaas ku daray in socodkii Ciidanka ee Baladweyn ilaa Buulo Burto uu ka mid ahaa howlgalka islamarkaana Miino ma ahane aysan arag Al-shabaab la dagaallama.

Waxaa kale oo uu sheegay in Degaannadana Hirshabeelle sida Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay ka billaabayaan duqeynta ka socoto Mudug si AL-shabaab looga saaro.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment