1311 Views

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Magaalada Dhuusamareeb

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 22 2020–Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug waxaa weli ka socda kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Madaxda Sare ee dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kajira dalka, iyaga oo uga hadlayay xaalada siyaasadeed dalka.

Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Kheyre & Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa kulamadooda waxaa ay ahaayeen kuwo aad u adag, kadib markii ay isku mari waayeen arrimo la xiriira dhinaca doorashada iyo nooca ay noqoneyso.

Ururada Bulshada Rayidka oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay ku sheegeen sababaha uu u furmi la’yahay shirkooda is-aamin darro iyo tanaasul la’aan, iyaga oo ku baaqay in la wada-hadlo.

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb iyo shirarkii gaar gaarka ahaa ee ka dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan inay maanta macquul tahay furitaanka shirka oo ay khudbado ka jeedin doonaan Madaxda Sare ee Dowladda & Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubnaha ay isku raaceen in Guddi loo saaro wada-hadallada ku saabsan arrimaha doorashada dalka oo aan weli go’aan rasmi ah laga gaarin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post