1179 Views

SAWIRO:- Wafdi xal raadin ah oo gaaray Baladweyne

SAWIRO:- Wafdi xal raadin ah oo gaaray Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 25, 2019 –Wafdigan uu hoggaaminayo wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Taclinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Xubnaha uu hogaaminayo mudane Cabdullaahi goodax Barre waxaa kamid ah xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha bulshada.

Ujeedka socdaalka wafdigan maanta gaaray magaalada Baladweyn ayaa ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xalinta xiisada ka taagan magaalada Baladweyn.

Inta ay joogaan waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeele,kan gobolka iyo degmada oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha bulshada,iyagoo u kuurgalaya xaalada halkaasi kajirata.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment