1359 Views

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo la doortay

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo la doortay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jan 04 2019 —Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta Gudoomiye cusub ku doortay Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Xildhibaanada ayaa Guddoomiye u doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood].

Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) ayaa helay  43 Cod ,halka uu helay Cabdijamaal Cismaan Maxamed  23 Cod ,kaasoo kula tartamay  Wareegga Labaad.

Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood]  ayaa ah Xildhibaan mudo saddex jeer usoo tartamay Kursiga Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland [2014, 2015 iyo 2019].

Dhoobo-daarood ayaa doorashadii 2014 ku haray wareegga kowaad, waxa uu haddana isku soo taagay xilkan 2015 markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Saciid Xasan Shire, balse waxaa ka adkaadey Axmed Cali Xaashi      Waxa uu kursiga Xildhibaanimo kasoo galay gobolka Sanaag.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment