828 Views

daawooyin iyo qalab oo gudoomiyha dagmada warta nabadda ay gaarsiisay isbitaalka weyn ee Gaalkacyo

daawooyin iyo qalab oo  gudoomiyha dagmada warta nabadda ay gaarsiisay isbitaalka weyn ee Gaalkacyo
____________________________________________________________________________


isniin: August 23, 2021

Deeq isugu jirta daawooyin iyo qalab caafimaad ayaa waxaa maanta gudoomiyha dagmada warta nabadda ee goblka banaadir saynab maxamuud warsame ay gaarsiisay isbitaalka weyn ee Gaalkacyo ee Galmudug halkaasi oo mudooyinkii u danbeeyay Wasaaradda caafimaadka Galmudug iyo maamulka isbitaalkuba ay walaac ka muujinayaan dawo yari ka taagan kadib markii ay soo kordheen bukaanada uu isbitaalku qaabilo maalin kasta.

Gudoomiyaha dagmada Warta-nabadda Saynab Xaabsay ayaana ugu horeyn ka warbixisay deeqda ay gaarsiisay isbitaalka taas oo ay xustay in ay tahay mid aan ku filneyn baahida isbitaalka oo ay maalin ka hor ku tagtay waxayna sheegtay in ay si joogta ah uga warheyn doonto xaalada isbitaalka gurmadyo intaan ka badana soo gaarsiin doonto

Agaasimaha isbitaalka dr Maxamed Cabdi Axmed ayaa dhankiisa ka mahad celiyay deeqda isugu jiorta daawada iyo qalabka taas oo uu xusay in baahi weyn loo qabay isla markaana bulshada kale ee soomaaliyeed ay iyaguna kaalintooda kasoo qaataan garab istaaga bahida adeega caafimaad ee isbitaalku u baahan yahay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post