1530 Views

Ganacsatada Qaadka Kenya oo ku hanjabay inay joojinayaan jaadka ay geeyaan Somaliya

Ganacsatada Qaadka Kenya oo ku hanjabay inay joojinayaan jaadka ay geeyaan Somaliya
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 18, 2019–Iyadoo Khilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay dowladaha Somaliya & Kenya ayaa ganacsatada qaadka Kenya waxa ay ku hanjabeen inay joojinayaan qaadka ay keenaan Somaliya.

Afhayeenka Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya Kimathi Munjuri, ayaa Warbaahinta u sheegay haddii Somaliya ay sii wado muranka dhanka badda ee Kenya kala dhaxeeya, inay joojinayaan qaadka ay keenaan dalka.

Waxaa mr Kimathi Munjuri , sheegay in Soomaaliya ay markasta Kenya ku handado joojinta Qaadka Kenya.

“Kuma iibsan karno Qaad madax banaanida dalkeenna, Soomaaliya mar waliba waxa ay ku gooddisaa Qaadka Soomaaliya si ay u soo jeediso dareenka Dowladda Kenya.” Ayuu yiri mr Kimathi Munjuri.

Qaadka Kenya ee Soomaaliya soo gala maalin waliba waxaa lagu sheegay 50 tan in uu gaarayo waxaana dowladda Kenya maalin kasta ka heshaa Suuqa Qaadka Soomaaliya 100-Milyan oo shilinka Kenya ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment