921 Views

Waxaa magaalada Wajeer ka taagan hadal heyn ka dhalatay geeri ku timid dhakhtar Itoobiyaan, dhakhaatiirta ka howlgasha halkaas

Waxaa magaalada Wajeer ka taagan hadal heyn ka dhalatay geeri ku timid dhakhtar Itoobiyaan, dhakhaatiirta ka howlgasha halkaas
____________________________________________________________________________

Talaado: November 30, 2021

Waxaa magaalada Wajeer ka taagan hadal heyn ka dhalatay geeri ku timid dhakhtar Itoobiyaan, dhakhaatiirta ka howlgasha halkaas ayaa waxay sameeyeen banaanbax la sheegay in caddaalad loogu raadinayo dhakhtar qalliinka qaabilsanaa oo ka howlgali jiray cisbitaalka Wajeer.

Qaar kamid ah madaxda Soomaalida ee Kenya ayaa tacsiyeeyasay geeri ku timid dhakhtar qalliinka qaabilsanaa oo ku dhintay gudaha magaalada Wajeer.

Barasaabka Wajeer Axmed Cali Mukhtaar ayaa sheegay in Dr. Zinaye M Zaleke uu ku dhacay gaari ay leeyihiin booliska oo si xowli ah ku socday isla markaana uu ku geeriyooday isla goobtii uu ku jiiray.

“Dr.Zinaye wuxuu kasoo jeeday Itoobiya, wuxuu ahaa nin deggan oo geeridiisa ay taabatay dad badan maadama uu sanado badan ka howlgalayay cisbitaalka guud ee Wajeer, waxaan uga mahadcelineynaa shaqadiisa wanaagsaneyd uu inoo soo qabtay” ayuu yiri Axmed Cali oo qoraal soo dhigay bogga

Dhinaca kale, barasaabkii hore ee Wajeer , Axmed Cabdullaahi ayaa sheegay in Dr Zenaye uu muddo 7 sana ah uu ka howlgalayay cisbitaalka guud ee Wajeer.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Waxay shaqaaleysiinta ninka horseeday inay yaraadaan kiisaskii dadkii qalliinka loogu diri jiray Nairobi”

Wuxuu ugu baaqay booliska inay baaritaan ku sameeyaan geerida ku timid dhakhtarka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post