399 Views

War deg deg ah: Qaraxyo iyo Rasaas culus oo laga maqlayo Hotel Xayaat iyo Ciidamada oo awood adeegsanaya

War deg deg ah: Qaraxyo iyo Rasaas culus oo laga maqlayo Hotel Xayaat iyo Ciidamada oo awood adeegsanaya
____________________________________________________________________________

 

 Sabti: AUGUST 20, 2022

Qaraxyo iyo rasaas xoogan ayaa wali laga dhax maqlayaa hotelka Xayaat ay ku jiraan dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaana halkaasi ka socda dagaal qaatay in ka badan 15-saacadood.

Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa loo yaqaan Alfa Group ee katirsan nabad sugida Soomaaliya ayaa adeegsanaya hub culus , waxa ayna ciidanka isku dayayaan in ay soo afjaraan howlgalka saacadaha badan qaatay.

Kooxda weerarka ku gashay hotelka oon wali la ogeyn tiradooda ayaa dagaalamaya, waxaana mararka qaar la maqlayaa qaraxyo miino iyo bambooyin ka dhax dhacaya dhismaha hotelka.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in wali socdo howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo weerarka Al Shabaab, waxaana qeybo badan oo kamid ah dhismaha hotelka galay ciidamada dowladda.

about:blank Qorayga dhashiikaha iyo hub kale oo culus ayaa loo adeegsanayaa kooxda weerartay hotelka Xayaat,waxaana rasaasta kooxdaasi loo adeegsanayo qaarkood suurto gal tahay in waxyeelo kasoo gaarto dad hotelka ku go’doonsanaa.

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat ayaa sii kordhaya, waxaana gudaha hotelka laga soo qaaday meydadka dad ku dhintay weerarka ilaa hada ka socda hotelka Xayaat.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post