243 Views

Lacagihii ay qaadan jireen Lataliyaasha Gobolka Banaadir iyo Xoogaga Waddaniyiinta oo gudoomiye Madaale joojiyay

Lacagihii ay qaadan jireen Lataliyaasha Gobolka Banaadir iyo Xoogaga Waddaniyiinta oo gudoomiye Madaale joojiyay
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 11, 2022


Wareegto shalay kasoo baxday guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa lagu joojiyay lacago mushaar ah ay bil walbo qaadan jireen lataliyaasha guddoonka sare ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku heleyno maamulka gobolka Banaadir waxaa bil walbo lacag badan oo mushaar ah ka qaadan jiray lataliyaal u qornaa guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, kuxigeenadiisa iyo xubno kale oo badan .

Waxaa sidoo kale gobolka Banaadir mushaar joogta ah ka qaadan jiray xoogaga waddaniyiinta uu sameeyay maadxweynihii hore ee Soomaaliya, kuwaa oo u badnaa xubno siyaasad ahaan si weyn u taageersanaa madaxweyne hore Farmaajo iyo maamulkiisa.

Duqa Muqdisho ayaana latashiyo uu sameeyay kaddib go’aansaday in dhammaan laga joojiyo lacagihii tirada badnaa ay qaadan jireen lataliyaasha iyo xoogaga waddaniyiinta, waxa uuna amray in kaliya mushaarka la siiyo shaqaalaha rasmiga ah ee gobolka.

 

Yuusuf Madaale ayaa sidoo kale horey u joojiyay lacago iyana bil walbo qaadan jireen siyaasiyiin aad ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo, odayaal dhaqmeed, wariyaal iyo xubno kale oo Nabad iyo Nolol katirsanaa.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa bil walbo mushaar joogta ah ka qaadan jiray boqolaal qof oo u badnaa lataliyaal ,xooggaga waddaniyiinta iyo xubno kale oo siyaasad ahaan aad u taageersanaa maamulkii Madaxweyne Farmaajo.

Xubnahan lataliyaasha ee lacagaha laga jaray iyo dadka kale ayaa la filayaa in boosaskooda lagu bedelo lataliyaal cusub uu sameestay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo kuwa ay yeelan doonaan kuxigeenadiisa marka lasoo magacaabo iyo dad kale ay iyagu wataan.

 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post