942 Views

Dowladda Soomaaliya oo baaq u dirtay Soomaalida ku nool Kenya

Dowladda Soomaaliya oo baaq u dirtay Soomaalida ku nool Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 30, 2019 —Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ugu baaqay Soomaalida ku nool dalkaasi inay ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynayo ka barakacay fatahaadda Webiga Shabeelle ee magaallada Beledweyne.

 

Amb, Tarsan waxaa uu sheegay in ay tahay waajib in dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda inay u midoobaan sidii dadkaas oo qaarkood ay banaanka jiifaan sidii loogu gurman lahaa.

 

 

 

“Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya waxaan leeyahay u gurmada walaalihiina ree Beledweyne ee Webigu ku fatahay, bannaanka ayay jiifaan, ka sokoow ajnabi, Walaalahooda Soomaaliyeed ayay sugayaan. Dowlad iyo shacab ba in aan u midowno ayaa loo baahan yahay ” ayuu yiri danjire Tarsan.

 

Dadkii deganaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa badi ay ka barakaceen Magaaladaas,kadib markii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle,waxaana ay xaalad bani’aadanimo ku heysataa deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Baladweyne.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment