816 Views

Maleeshiyadka TPLF iyo OLF-Shane oo sameystay isbaheysi cusub

Maleeshiyadka TPLF iyo OLF-Shane oo sameystay isbaheysi cusub
____________________________________________________________________________


Talaado: November 2, 2021

Jabhadda Shene OLF iyo TPLF, ayaa sameystay isbaheysi cusub, taasoo noqoneysa awood ballaaran oo mucaarad ah, oo halis galin karaya caasimadda Addis Ababa iyo dowladda Itoobiyaba.

Shaley, labadda kooxood ayaa ku dhawaaqey iney isku dareen dagaal yahanadooda, si ay ula dagaalamaan ciidamada dowladda Itoobiya.

TPLF iyo OLF-Shene, ayaa dowladda Itoobiya ku dartey liiska argagaxisada bishii May ee ina dhaaftey.

Warkii ugu horeeyey ee la xiriira isbaheysiga ay yeelanayaan labadan kooxood, ayaa soo baxey bishii August ee ina dhaaftey.

War ku qornaa afka Amxaariga, ee ay soo galiyeen TPLF bog Facebook-ga ay ku leeyihiin oo huban, kaasoo laga soo xigtey hoggaamiye Debretsiyon GebreMaykal, ayaanan lagu carab dhabin dagaaladii ugu danbeeyey ee kooxda, iyo qorsheyaasheeda fog.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in wadiiqada kaliya ee u furan TPLF mustaqbalka ay tahay burburinta, waa sida qoraalka lagu muujiyee, kooxda Faashistaha, oo ay ula jeedaan hoggaanka dowladda dhexe ee Itoobiya, si ay ugga gun gaaraan himilooyinkooda fog fog.

Afhayeenka TPLF, Getajew Reda, ayaa sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, ka gaabsadey iney ku wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Inkastoo warar kal hore soo baxey, ay muujinayeen in kooxda TPLF ay doonayaan iney galaan magaalada caasimadda ee Addis Ababa.

Mucaaradka kusoo siqaya caasimadda, ayaa ku qasbay ra’iisal wasaare Abiye Axmed, inuu dadweynaha ka dalbado iney hubka qaataan, iyadoo xaalad degdeg ah lagu soo rogey ismaamulka Amxaarada.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post