1269 Views

Ciidamada Jeneral Saadaq Joon iyo Jeneral Yuusuf Indhacadde oo fariisimo Cusub ka Samaystay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan.

Ciidamada  Jeneral Saadaq Joon iyo Jeneral Yuusuf Indhacadde oo fariisimo Cusub ka Samaystay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan.
____________________________________________________________________________

April 27-2021

 Wararka ka imaanaya saakay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa taageersan musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo ciidamo kale oo diidan muddo kororsiga oo ay hogaaminayaan Jeneraal Saadaq Joon iyo Jenearaal  Yuusuf Indhacadde ay ka guureen agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in saakay Ciidamadaas lagu arkay Wadooyin Cusub gaar ahaan inta u dhaxaysa wadada KPP ilaa afaafka hore ee Wadada siigaale ilaa isgoyska Dabka, taasi oo ah is balaarin hor leh iyo taatiko Dagaal.

Ciidamada ayaa guuray dhinaca Xaafada Siigaale ee degmada Hodan, halkaas oo iyaga iyo madaxda la socota ay fariisin cusub ka sameysteen.

Sidoo kale Jen. Saadaq Joon iyo Jenearaal Yuusuf Indhacadde ayaa lagu warramay inay tallaabada ay qaadeen ku sheegeen istiraatiijiyad ciidan oo ay ka aag bedesheen xaruntoodii hore, waxaana hadda ay u muuqdaan inay isku fidiyeen degaano cusub, ayaga oo kusoo dhowaanaya dhanka madaxtooyada.

.


Office Nairobi Kenya

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post