1995 Views

Guddiga doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka oo goordhow lagu dhawaaqayo.

Guddiga doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka oo goordhow lagu dhawaaqayo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20, Abriil 2018 — Sida Qaranimo Online  ay u sheegeen Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka waxaa Goordhow lagu wadaa in lagu dhawaaqo Guddiga qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiga oo katirsan Golaha ayaa ku dhawaaqistooda kadib waxa ay sameynsan doonaan Gudoomiye iyo ku xigeeno, sidoo kalana waxa ay wada-tashi ka yeelan doonaan hannaanka Doorashada, Waqtiga la qabanayo iyo Shuruudaha Tartamayaasha.

Xubnaha Guddiga la filayo in lagu dhawaaqo waxa ay ka koobnaan doonaan 5-Beelood oo ay ka kala imaanayaan min 3-Mudane sida Mustaqbal ay u sheegeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka.

Golaha Shacabka ayaa heysta 15-Ceshe oo ka bilaabanayaa Maalintii uu Xilka Afhayeenka Baarlamaanka uu iska casilay Xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari in ay kusoo doortaan Gudoomiyihii Badali lahaa.

Waxaa jira Musharixiin Badan oo isku soo taagtay qabashada Xilkaan, waxaana jiri karo kuwo kale oo iyanna Kursigaan isku soo taagi karo kolka la shaaciyo Lacagaha laga doonayo Tartamayaasha iyo Waqtiga Doorashada ay dhaceyso.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment