441 Views

Ninkii Trump ka caawiyay in uu madaxweyne noqdo oo xabsiga loo taxaabay

Ninkii Trump ka caawiyay in uu madaxweyne noqdo oo xabsiga loo taxaabay
____________________________________________________________________________

Sabti: October 22, 2022

Ninkii arrimaha istaraatiijiyadda u qaabilsanaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump, Steve Bannon ayaa lagu riday xukun 4 bilood ah oo xabsi ah kadib markii uu diiday in uu hoggaansamo aqalka Koongareeska.

Bannon oo 68 jir ah ayaaa bishii July lagu riday labo xukun ah oo kala ahaa in uu diiday in uu caddeymo ama dokumentiyo u gudbiyo guddigii baarayay rabshadihii ka dhacay xarunta Capitol ee Mareykanka 1-dii bishii January 2021-kii.

Marka laga soot ego xukunka xabsiga ah, Bannon waa in uu bixiyaa ganaax gaarayo $6,500 oo doolar.

Steve Bannon ayaa beeniyay in wax dambi ah uu galay.

Garsoore Carl Nicholas ayaa sheegay in Bannon la sii deyn doono isla markaana la xallin doono racfaan kasta uu ka qaadanayo xukunka lagu riday.

“Maanta xukun ayaa la iigu riday, racfaan adag ayaan ka qaadan doonaa” ayuu yiri Steve Bannon oo la hadlayay wariyeyaasha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post