789 Views

Dadka Reer Suurya oo baraha bulshada ee Turkiga ku saameeyay qosol iyo kaftan Qofkii lagu arko laga musaafurinayo Turkiga

Dadka Reer Suurya oo  baraha bulshada ee Turkiga ku saameeyay qosol iyo kaftan Qofkii lagu arko laga musaafurinayo Turkiga
____________________________________________________________________________

Talaado: November 2, 2021

 Dadka reer Suurya ayaa baraha bulshada ee Turkiga ku saameeyay qosol iyo kaftan ay la hor imaanayeen kaamirada.

Muuqaallo ciyaar ciyaar laga dhigay oo lagu soo duubay TikTok ayaa lagu arkayay iyagoo moos cunaya saaxiibbadooda kalena ku xujeysanaya inay sidaas soo sameeyaan.

Marka la eego muuqaalladan waxa ay u muuqdaan kuwo aan wax dhib ah lahayn, oo waafaqsan shuruucda TikTok ee maalmahan. Balse iyadoo la ogyahay in hadal heyntu ay imaato kaddibna dhammaato,

muuqaalladan waxay noqon karaan kuwo muddo dheer saameyn ku yeesha qaar ka mid ah dadka reer Suuriya.

Maalmihii lasoo dhaafay, Mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa dadka qaxootiga ah ee kasoo jeeda Suuriya ku eedeeyay inay “nacayb abuurayaan” iyagoo moos u cunaya “qaab caro kicinaya”.

Dad badan oo kasoo jeeda Suuriya ayaa arrintaas darteed xabsiga loogu taxaabay, waxayna wajahayaan in laga musaafuriyo Turkiga.

Mooska ayaa hadda astaan u noqday kala qaybinta shacabka, iyadoo arrintan ay abuureyso cadaawad ka dhan ah bulshada reer Suuriya ee ku nool Turkiga.

Haddaba maxay tahay sheekada ka dmabeysa muuqaallada la isku xujeysanayo moos cunidda.

‘Ma awoodo aniga’

Xujada mooska waxaa dhiirrigeliyay muuqaal dood badan abuuray oo ay hadal hayeen dadka reer Suuriya iyo kuwa Turkiga, kaasoo ku saabsan dhaqaalaha sii liicaya ee waddankaas. Dhaqaalaha Turkiga ayaa culeys kala kulmay isbaddalka sicirka oo aan hal meel ku ekeyn, kaasoo saameeyay hannaankii nolosha.

Muuqaalkaas ayaa lagu dhex arkayaa fikrado iska soo horjeeda, waxaana gabar dhallinyaro ah oo u dhalatay Suuriya, kuna hadleysa luuqadda Turkiga oo fasiix ah, ay ku difaaceysaa hamiga shaqo ee dadka qaxootiga ah. Taas jawaabteeda, dad reer Turki ah oo careysan ayaa sheegaya in Suuriyaanka iyo Afgaanistaaniyiinta soo qaxay ay qaateen shaqooyinkii dadka Turkiga ah loogu talogalay.

Fikradaha noocan ah kuma cusba gudaha Turkiga, oo ah waddan martigeliya qxootiga ugu badan caalamka, oo ay ka mid yihiin 3.6 milyan oo reer Suuriya ah.

Waxaa in muddo ahba sii kordhayay nacaybka loo qabo dadka soo galootiga ah, iyadoo xitaa siyaasiyiinta qarannimada u dooda ee Turkiga ay wadeen olole ku adadan in la adkeeyo shuruucda lagu soo galo waddanka.

Hase yeeshee waxa muuqaalkaas inuu aad u faafo sabab u ahaa waa hal nin oo u dhashay Turkiga, kaasoo yiri: “Waxaan arkaa dad reer Suuriya ah oo suuqa ka iibsanaya moos aad u tiro badan, aniga lafteydana ma awoodi karo sidaas.”

Hadalka uu ninkaas sheegay, oo sababay dood weyn oo u dhaxeysa bulshooyinka Suuriya iyo Turkiga, ayaa si deg deg ah caan uga noqday barta TikTok.

Qaar ka mid ah dadka reer Suuriya oo ku maadeysanaya ninka Turkiga ah ayaa muuqaallo iska soo duubay iyagoo cunaya moos, sidoo kalena isticmaalaya filtarro moos ah oo TikTok uu leeyahay. axaa kale oo ay faafinayeen erayo ku saabsan mooska oo majaajilo laga dhigay.

Kaftanka mooska oo loogu talogalay madadaalada online-ka ma uusan noqonin mid uu qof walba ku qoslo.

Hal sawir oo muujinaya in calanka Turkiga lagu baddalay moos ayaa si gaar ah u caan baxday.

Xisbiga dhawaan la aasaasay ee u dooda qarannimada Turkiga ayaa durbadiiba soo saaray cabasho ka dhan ah dadka reer Suuriya ee isticmaala TikTok, kuwaasoo ay sheegeen “inay aflagaaddeeyeen shacabka Turkiga iyo calankooda”.

Dad kale oo arrintan ku dhaleeceeyay dhinaca baraha bulshada ayaa shegeay in muuqalaladaas “loogu maadeysanayay xaaladda dhaqaale xumada ba’an ah ee ay wajahayaan dadka Turkiga”.

Xilligan oo uu taagan yahay dhib dhaqaale, muuqaallada moosku waxay sidoo kale ka careysiiyeen dowladda Turkiga.

Kuma maadeysaneyno Turkiga’

 

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Turkiga ayaa u muuqda inay taageersan yihiin go’aanka lagu sameeyay xariga dadkaas. Ilay Aksoy oo ka tirsan xisbiga qarannimada u ololeeya ee Good Party, ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa ku yiri: “kuwaas mooska cunaya waxay naga dhiganayaan shactiro waxayna aflagaaddeynayaan calankeenna”.

Balse xisbiga Dimuqraaddiga ah ee ay leeyihiin dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda bulshooyinka laga tirada badan yahay ayaa xariga dadka ku tilmaamay “cunsuryad”.

Dhinaca baraha bulshadana, qaar ka mid ah qurba joogta reer Suuriya ayaa isku dayay inay marmarsiiyo u sameeyaan ujeeddada la xiriirta muuqaallada mooska.

Mid ka mid ah ayaa soo qoray: “Kuma maadeysaneyno Turkiga, waxaan ku maadeysaneynaa cunsuriyadda. Dhaqaalaha sii xumaanaya annagoo dhan ayuu na saameynayaa.”

Khamiistii lasoo dhaafay, warbaahinta maxalliga ah ayaa tabisay in booliska Turkiga ay xireen 11 qof oo u dhashay Suuriya, kuwaasoo baraha bulshada soo dhigay muuqaallada mooska, iyagoo ku eedeeyay inay “kicinayaan naceyb”.

Mas’uuliyiinta socdaalka ee Turkiga ayaa sheegay in “ay musaafurin doonaan dadkaas kaddib markii loo diyaariyo warqadaha ay uga baxayaan waddanka”.

Waxaa hadda socda dadaallo la xiriira sidii “bannaanka loo soo dhigi lahaa dhammaan muuqaallada carada abuuraya” dadka soo sameeyayna waa in lala tacaalo”, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay agaasinka Waaxda Socdaalka ee Turkiga.

Kaddib maalintii Axadda, booliska Turkiga waxay xabsiga u taxaabeen wariye u dhashay Suuriya oo lagu magacaabo Majed Shamaa, kaasoo Istambul ka sameeyay warbixin telefishin oo ku saabsan xujada mooska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post