408 Views

Turkiga oo shuruudo adag Ku xiray Sweden iyo Finland

Turkiga oo shuruudo adag Ku xiray Sweden iyo Finland
____________________________________________________________________________

Axad: May 22, 2022

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray madaxda dalalka Sweden, Finland iyo NATO.

Madaxweyne Erdogaan ayaa xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg u sheegay in Sweden iyo Finland aysan kusoo biiri karin NATO ilaa ay si cad u muujiyaan in ay Turkiga garab kasiin doonaan “arrimaha aasaasiga ah, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada”.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Turkiga, Erdogan ayaa u sheegay ra’iisal wasaaraha Sweden Magdelena Andersson “Sweden waa in aad joojisaan taageerada siyaasadeed, dhaqaale iyo milateri ee aad siisaan ururada argagixisada” wuxuuna ku booriyay inay qaadaan tillaabooyin la taaban karo arintaasi la xiriirto.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in la soo afjaro cunaqabateynta hubka ee ka dhanka ah Turkiga.

ra’iisal wasaaraha Sweden Andersson ayaa sidoo kale bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu doonayo in uu wanaajiyo xiriirka labada dal ee Sweden iyo Turkiga.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post