1146 Views

Qaramada Midoobey oo ku eedeysay ciidamada Eritrea inay boqolaal ruux ku dileen gobolka Tigteega

Qaramada Midoobey oo  ku eedeysay ciidamada Eritrea inay boqolaal ruux ku dileen gobolka Tigteega
____________________________________________________________________________

6da Maarso, 2021:

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan u doodista xaquuqda aadanaha ee Human Rights watch ayaa ku eedeysay ciidamada dalka Eritrea inay boqolaal ruux ku dileen gobolka Tigteega ee ku yaala waqooyiga dalka Itoobiya ayagoo caawinayay ciidamada Itoobiya ee dagaalka la galay maleeshiyada Tigreega dhamaadka sanadkii hore.

Warbixin hay’adda Human rights soo saartay waxay ku sheegtay in baaritaan ay sameysay ku ogaatay in ciidamada Eritrea ay xadgudubyo waa weyn ka geysteen gobolka Tigreega gaar ahaan magaalada taariikhiga ah ee Aksum la yiraahdo.

Hay’adaan waxay sheegtay in waraysiyo ay ka qaaday dad goob joogayaal ahaa ay sheegeen in ciidamada Eritrea ay si buuxda dagaalka uga weyn ahaayeen waxaana ay ka dagaalameen dhawr furimood ayagoo aan qarsooneyn.

Tirada dadka rayidka ah ee gacanta ciidamada Eritrea ku baxay waxay human rights ku sheegtay inay gaaraan illaa 200 oo ruux.

Horey sidaan oo kale hay’adda kale ee xaquuqda aadanaha u dooda ee amnesty international ayaa dawlada Eritrea ku eedeysay inay ciidamadeeda dhibaayooyin ka geysteen gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya.

Xukuumadaha Addis-Ababa iyo Asmara labada waa beeniyeen in ciidamo Eritrean gobolka Tigreega ka dagaalameen.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post