1044 Views

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo gaaray Baladweyne

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo gaaray Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 10, 2019–Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada muqdisho oo Garoonka Aaadan-Cadde saakay muddo saacado ah lagu xayiray ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne kusoo dhaweeyey Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle iyo Mas’uuliyiin kale.

 

Wafdiga Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin Xildhibanao katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay Baladweyne u tageen inay halkaasi gurmad gaarsiiyaan dadkii uu saameeyey fatahaada Wabiga Shabelle.

 

Inta aysan Baladweyne ka deign Diyaarada siday Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa Xildhibaano uu kamid yahay Mahad salad ay sheegeen in Raadeerkii laga densaday,isla markaana diyaarada ay degi la’dahay kuna soo laabaneyso muqdisho,hayeeshee wada-hadal dheer kadib ay Baladweyne ka degto.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment