1032 Views

Maxkamada Ciidamada oo xukuno riday

Maxkamada Ciidamada oo xukuno riday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 12- 2019 —Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday rag loo heysto  qarax dad badan ay ku dhinteen oo dabayaaqadii sanadkii 2018 ka dhacay Suuqa Kaawo-Godey

 

Ragga loo heysto qaraxaas  ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Xasan Cali Barre, Sayid Cali Aadan Nuur ,waxaana Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ay sheegtay inay ka dambeeyeen qarixii ka dhacay 26kii Bishii November ee sanadkii 2018 Isgoyska Kaawo-Godey ee Magalada Muqdisho.

Maxkamada Ciidamada ayaa xukun dil ah waxaa ay ku riday Xasan Cali Barre,halka Sayid Cali Aadan Nuur lagu xukumay Xabsi Daa’in,,waxaana Maxkamadda ay siideysay Muxudiin Maxamed Axmed oo lagu waayay dambigaas.

 

Guddoomiyaha Maxamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Warbaahinta u Akhriyay Xukunka Maxkamada.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment