366 Views

Taliska ciidamada Midowga Afrika oo sheegay in xayiraadda lagu soo rogay xerada Xalane aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaarinta xildhibaanada

Taliska ciidamada Midowga Afrika oo  sheegay in xayiraadda lagu soo rogay xerada Xalane aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaarinta xildhibaanada
____________________________________________________________________________


Isniin: April 11, 2022

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa sheegay in xayiraadda lagu soo rogay xerada Xalane aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kadib markii qoraal kasoo baxay ATMIS 8-dii bishan uu abuuray warar la isla dhex-marayey oo sheegay in xayiraaddaas oo billaabatay 10-kii April, islamarkaana soconeysa illaa 16-ka, ay dib u dhigi karto dhaarinta xildhibaanada cusub, oo la waqtiyeeyey 14-ka bishan April.

Si kastaba, ATMIS ayaa qoraal cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in sababaha loo soo rogay xayiraadda ay qeyb ka tahay in la adkeeyo amniga xarunta kahor dhaarinta xildhibaanada, islamarkaana aanu ujeedku aheyn in lagu carqaladeeyo munaasabadaas.

“Xayiraadda billaabatay 10-ka April oo ku eg 16-ka April 2022, sinna loogama jeedo in lagu carqaladeeyo, ama lagu hakiyo, ama lagu faro-geliyo xafladda dhaarinta xubnaha cusub ee baarlamanka ama dhaq-dhaqaaq kasta oo doorasho ama shaqooyinka dowladda ee xerada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed cusub oo ATMIS kasoo baxay.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in xayiraadaha noocan ah ee xerada lagu soo rogo ay soo jireen tan iyo markii howlgalka AMISOM ee Soomaaliya uu billowday 2007-dii.

ATMIS ayaa sidoo kale sheegtay in kala shaqeyneyso Ciidanka Soomaaliya xaqiijinta in dhameystirka hanaanka doorashada loogu guuleysto jawi nabadoon oo aan rabshado laheyn.

Tallaabada ATMIS ayaa imanaysa iyadoo dhawaan kooxda Al-Shabaab ay weerar ay ku qaaday garoonka diyaarahada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhinteen dad ajanabi ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post