1599 Views

Duqa Muqdisho oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga

Duqa Muqdisho oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 10, 2018 — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga, Emmanuella Claudia Del-Re oo booqasho ku timid Muqdisho.

Kulanka Guddoomiyaha Gobolka iyo Wasiir ku Xigeenka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya, gaar ahaan sidii ay taageero uga geysan lahaayeen dib-u-soo celinta bilicdii Caasimadda iyo fulinta mashaariic waxtar leh oo bulshada Caasimadda shaqo abuur ka helayaan.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka siiyey horumarrada kala duwan ee uu ku tallaabsaday Gobolka Banaadir, dadaallada dib u soo kabashada Caasimadda, caqabadaha jira ee la xiriira dhanka amniga iyo hiigsiga Maamulka ee ku qotama dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiir ku xigeenka Talyaaniga ayaa ka qeybgashay Bandhiga lagu muujinayey hodantinimada hab-dhismeedka magaaleed ee Muqdisho oo lagu soo bandhigay sawiradii hore ee caasimada tan iyo 1891dii oo dadweynihii ka soo qeybgalay ay aad ugu riyaaqeen, kuwaas oo isagu jirey Wasiiro, Xildhibaano labada gole, khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhankeeda, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Talyaaniga Emmanuel Claudio Del-Re ayaa ku bogaadisey maamulka Gobolka Banaadir qorsheyaashooda horumarineed iyo xaqiijinta hiigsiyada ay tiigsanayaan, waxa ayna tilmaamtay sida ay uga go’an tahay in ay kaalintooda ka geystaan horumarka, amniga iyo bilicda Caasimadda.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment