1224 Views

Dhul gariir kale oo Maanta ka dhacay Turkiga

Dhul gariir kale oo Maanta ka dhacay Turkiga
____________________________________________________________________________

Laba Dhul-gariir oo kala gooni ah ayaa waxay Waaberigii hore ee maanta oo Talaado ah ruxeen meel ka baxsan Xeebaha Koonfur Galbeed ee dalkaasi Turkiga.

Hay’adda Masiibooyinka iyo Maaraynta Degdegga Turkiga (AFAD) ayaa sheegtay in Dhul-gariirka 1-aad oo halbeegiisu ahaa 4.3 Rector Scale uu abaarihii 2:00 habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay uu ka dhacay meel ka baxsan Xeebta Degmadda Datca ee Gobalka Mugla ee dalkaasi.

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency oo soo xigatay Hay’adda AFAD ayaa baahisay in Dhul-gariirkii 2-aad oo halbeegiisu ahaa 4.1 Rector Scale laga diiwaan geliyey Badda Aegean abaarihii 02:56 daqiiqo ee Saqdii dhexe ee xalay ee xilliga dalkaasi.

Dhul-gariirkaasi waxa uu ka dhacay Badda meel 45.62 KM ka baxsan Degmadda Datca.

Lama soo werinin wax khasaaro ah oo ay labada dhul-gariir geysteen

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post