315 Views

Dagaal u dhexeeya ciidamada dalalka Armenia iyo Azerbaijan oo dhacay Xuduuda labada dal oo lagu dilay ku dhawaad ​​100 askari.

Dagaal u dhexeeya ciidamada dalalka Armenia iyo Azerbaijan oo  dhacay Xuduuda labada dal  oo lagu dilay ku dhawaad ​​100 askari.
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 14, 2022

Dagaal u dhexeeya ciidamada dalalka Armenia iyo Azerbaijan, kaasoo dhacay habeenimadii Isniinta, ayaa lagu dilay ku dhawaad ​​100 askari.

Ra’iisul wasaaraha, Armenia, Nikol Pashinyan, ayaa sheegay in 49 kamid ah askartooda ay ku dhinteen iska hor imaad dhacay xili habeenimo ah, halka wasaaradda difaaca ee Asarbajaanna ay sheegtay in 50 kamid ah askarteeda la dilay.

Wadamada deriska ah, ayaa wuxuu dagaal dhex marey laba jeer, iyadoo isku hor imaadyo yaryar, ay si joogto ah uu ka dhex dhacayey soddonkii sano ee lasoo dhaafay.

Talaadadii, Ruushka, ayaa wuxuu sheegay inay dhexdhexaadiyeen xabbad-joojintii ugu dambeysay ee dillaacday.

Armenia ayaa markii hore sheegtay in dagaalku uu hoos u dhacay, halkii uu si buuxda u dhammaan lahaa. Xudunta khilaafku ayaa waxa uu yahay gobolka Nagorno-Karabakh.

Marka laga eego xudduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay, ayaa goobtani waxay ka tirsan tahay dalka Azerbaijan, laakiin waxaa deggan qowmiyado u dhashey Armenia.

Labadan dal ayaa waxay kamid ahaan jireen Midowga Soofiyeeti, kahor inta uusan burburin dhamaadkii sanadkii 1991-kii.

Khilaafka dhulka, ayaa wuxuu horseeday dagaal baaxad leh sannadihii 1980-meeyadii iyo 1990-meeyadii.

Sidoo kale, dagaal lix toddobaad socday, ayaa sanakii 2020-kii ka dhex dhacay labadda dal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post