990 Views

Kooxda Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadda nin xalay ku dileen Muqdisho

Kooxda Al-Shabaab   sheegatay mas’uuliyadda nin xalay ku dileen Muqdisho
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 26, 2021

 Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil xalay Muqdisho loogu geystay Nuur Cumar Shanlow, oo ahaa qof shacab ah balse ay kooxdu sheegtay inuu ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Dilka Nuur Cumar ayaa ka dhacay xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenley, waxaana gaystay koox hubeysan oo goobta ka baxsatay kadib markii ay fuliyeen.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab, oo lagu sheegtay dilkan, ayey sidoo kale kooxda ku sheegtay in Nuur Cumar uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan sirdoonka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post