276 Views

Israel oo baaraysa dil ciidamadeedu u gaysteen nin Falastiini ahaa oo dhawaan la toogtay

Israel oo baaraysa dil ciidamadeedu u gaysteen nin Falastiini ahaa oo dhawaan la toogtay
____________________________________________________________________________

  Isniin: January 23 2023 

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan ku aadan dilka nin Falastiini ah oo shan iyo afartan jir ahaa oo todobaadkii hore ay toogteen ciidamadu. Askarta ayaa ku toogtay bar kontorool oo ku taal duleedka xaafadiisa oo ah Daanta Galbeed ee la haysto.

Israa’iil ayaa sheegtay in Axmed Kahla – oo ka careysan dib u dhac uu kala kulmay barta baaritaannadu ka socdeen uu isku dayay in uu ka dego gaarigiisa. Dagaal ayaa ka dib dhacay markii uu isku dayay inuu la soo baxo qori una adeegsado booliska- waxaana lagu dilay wiilkiisa hortiisa.

Mr Kahla ayaa markii hore lagu tilmaamay inuu ahaa Argagixiso isku dayay inuu weeraro, balse warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in warbixintii ugu horeysay ee militariga oo la faafiyay lagu ogaaday in si arxan darro ah loo dilay.

18 qof oo falastiiniyiin ah ayay ciidammada Israa’iil dileen saddexdii toddobaad ee ugu horreysay sanadkan, kuwaas oo ay ku jiraan maleeshiyaad iyo dad rayid ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post