1026 Views

Dagaal ka dhacay Gobolka Bakool & guulo laga sheegtay

Dagaal ka dhacay Gobolka Bakool & guulo laga sheegtay
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 04, 2021 —Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaajo hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Guutada 9aad ee Qaybta 60aad ay Maanta Weerar ku qadeen Fadhiisamo Al-shabab Ku lahaayeen tuulooyin hoos yimaada Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Taliyaha Guutada 9aad Gaashanle Cali Xabad iyo Taliyaha Ururka 260aad Guutada 9aad qaybta 60aad G/Maxamed Nuur Maxamed ayaa sheegay in dagaalka ay khasaaro xoogan ku gaasriiyeen Ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay weli ka wadaan degaano hoostaga degmada Waajid, isla markaana aysan joojin doonin ilaa degaannadaas ay ka saaraan Al-Shabaab.

Howlgalka ay fuliyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamada, isla markaana Ciidamada ay howlgalka uga jawaabayeen weeraradaas.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post