1566 Views

Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo kan Turkiga oo ka wadahadlay horumarinta waxbarashada

Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  iyo kan Turkiga oo ka wadahadlay horumarinta waxbarashada
____________________________________________________________________________


Sabti: December 18, 2021

 Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya muda Cabdullaahi Abukar Haji ayaa la kulmay Dhigiisa Wasiirka Waxbarashadda Turkey Hon.Muhmut Ozer, kaasi oo ay ka wada hadlay xariirka Waxbarasho ee labada wadan, Sare-u-qaadista iskaashiga Waxbarashada iyo Cilmi baarista.

Wasiirka Waxbarashadda mudane Cabdullaahi Carab oo ka qeyb gelaya shirka iskaashiga ee Africa iyo Turkey, ayaa warbixin ka siiyay dhigiisa Turkey xaalada guud ee Waxbrashada Soomaaliya, baahiyaha ka jira, xariirka Turkey ee horumarinta Waxbrashadda iyo guud ahaan dadaalada ay dowlada Federaalka ugu jirto horumarinta Waxbrashada Soomaaliya, si ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaateen tartanka loogu jiro aqoonta iyo Waxbarashadda.

Kulanka labada Wasiir ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa ayada ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Dalka Turkey iyo Mas’uuliyiinta Waxbarashada u qaabilsan Safaaradda Soomaaliya ee Istanbul.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post