378 Views

Al-shabaab oo galabta la wareegtay Xerada Milatariga Daynuunay kadib dagaal Culus oo ka dhacay halkaas

Al-shabaab oo galabta la wareegtay Xerada  Milatariga  Daynuunay kadib dagaal Culus oo ka dhacay halkaas
____________________________________________________________________________

Khamiis:DECEMBER 1, 2022

Wararka ka imaanaya Gobalka Bay ayaa xaqiijinaya in galinkii danbe ee maanta uu dagaal cusub ka dhacay deegaanka Daynuunay oo fariisin ay ku leeyihiin ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka wuxuu billowday markii kooxda Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidanka, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kasoo gaaray iska hor-imaadka.

Ciidanka Dowladda ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ka dhaawacmeen saddex askari. Kooxda Al-Shabab ayaa iyana la rumaysan yahay inuu khasaare dhankooda kasoo gaaray dagaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn tirada khasaaraha soo gaaray .

Sidoo kale Goobjoogayaal madax-banan oo Daynuunay ku sugan ayaa xaqiijinaya in ciidanka Dowladda ay ka baxeen xerada, waxaana gacan ku haynta goobta la wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post