522 Views

Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka

Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka
____________________________________________________________________________

Sabti Julay  2, 2022

Munaasabad lagu xusayay maalmaha xoriyadda, Midowgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur ayaa xalay lagu qabtay dalka Kuwait, xafladan oo ay iska kaashadeen Safaaradda Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya & Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kuwait, munaasabadan ayaa sidoo kale waxa ka soo qayb galay Safiiradda dalalka Djibouti, Kenya, Ethiopia, Sudan, South Sudan, Eriteria, Mali, Chad iyo Togo.

Munaasabadda ayaa waxa lagu soo bandhigay heeso waddani ah, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo Riwaayado goos goos ah.

Ugu dambayn safiirka Soomaliya u fadhiya Kuwait Danjire Cabdullahi Maxammed Odowaa ayaa ka hadlay sooyaalkii iyo hannaanka dawlad dhiska Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay caqabadihii mudadii 62 sanno ahayd soo marey dalka iyo fursadaha mustaqalbalka lagu hor marin karo dawladnimadda iyo wadajirka dadka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post