1017 Views

Xildhibaan sheegay markii uu xaqiiqda ka hadlay in Mikarafoonka laga xirtay

Xildhibaan sheegay markii uu xaqiiqda ka hadlay in Mikarafoonka laga xirtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-19–2019 —Gudoonka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa  Mikarafoonka ka xirtay Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar jecel oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ka dib markii uu sheegay in uu ka hadlay xaqiiqda.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in aad uga naxay markii baarlamaanka maanta la horkeenay  heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska khuseeye ilaalinta hidda dhaqameedka & midka dabiiciga oo aan wax muhiimad ah la heyn.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in dalka uu marayo xaalad adag oo dhanka Ammaanka, Wadooyinka Muqdisho inta badan ay xiran yihiin, Khilaaf xooggan oo ka dhex jira dowladda iyo maamul goboleedyadda iyo in rajo xumo ah in doorasho aysan dalka ka dhaceyn in ay muuqato.

 

Waxaa uu sheegay markii uu isku daayay in uu ka hadlo qodobadii Shacabka Soomaaliyeed dantu ugu jirto in Gudoomiyaha baarlamaanka uu amray in Makarafoonka laga xiro.

 

 

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in dalka hadda uusan ka jirin baarlamaan ka shaqeenaya danta Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana loo baahan yahay in loo istaaggo badbaadinta baarlamaanka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment