336 Views

Ciidanka Haramacad oo ku biiray Howlgalada ka dhan ka ah Al-shabaab ee ka socda Xuduudka

Ciidanka Haramacad oo ku biiray Howlgalada ka dhan ka ah Al-shabaab ee ka socda Xuduudka
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar ayaa maa soo sagootiyay ciidamo Haramcad ah oo ku  wajahan xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto Itoobiya, gaar ahaan deegaanka Feerfeer ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo la sheegay in lagu arkay deegaanno ku yaalla xadka Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo soo sagootiyay Ciidamada ayaa kula dardaarmay inay gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana ay dagaal adag la galaan Al-Shabaabka weerarka kusoo qaaday.

Al-shabaab ayaa xoojiyay dagaalka ay ka wadaan Xuduudka Soomaaliya Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post