1017 Views

Cumar Filish oo sheegay in laga hortagay weeraro ka dhaca caasimada.

Cumar Filish oo sheegay in laga hortagay weeraro ka dhaca caasimada.
____________________________________________________________________________

Talaado: March 1, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in doorashooyinkii Golaha Shacabka ee ka dhacay Muqdisho ay si nabad ah ku billowdeen kuna dhamaadeen.

Sidoo kale, waxaa uu tilmaamay in Al-Shabaab markasta ay maleegayeen qorsho ka dhan ah Goobaha ay ka socdeen doorashooyinka, balse Ciidamada oo feejigan ay ka hortageen, isagoo u mahad celiyay Ciidamada Booliska iyo Saraakiishooda oo fuliyay qorshihii Amniga ee loo dejiyay Arrimaha doorashooyinka, 

Dhinaca kale, waxaa uu xusay in ay jireen intii waddooyinka Muqdisho la xiayay cabasho kaga imaaneysay Maamulka Bulshada balse uu sheegay in ay Shacabka qanciyeen, Isagoo sidoo kale, shacabka Caasimada ugu mahadceliyay sidii ay garab istaaga ugu muujiyeen intii ay socdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

Magaalada Muqdisho, waxaa lagu qabtay laguna soo gabagabeeyay doorashada kuraasta Xubnaha Gobolada Waqooyi ee Somaliland iyo Kuwa Beelaha Banaadiriga, inkastoo intii ay doorashada socotay Isgoyska Ceelgaabta waxaa ka dhacayay qaraxyo ismiidaamin ah waloow mid ka mid qaraxyadaas ismiidaamin ahaa lala eegtay qaar kamid ah ergada doorashada oo waxyeelo ay kasoo gaartay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post